Mine
Salaan Maxamed Xirsi, "Carrabey" (HJ)

Gabaygan wuxu salaan tirshey mar nin ay ilmaadeer ahaayeen laga dhacay gabadh. Salaan oo u guntadey ninkaas wuxu dareemay in la hagraday oo Isaaq oo dhammi Burco kaga hiiliyey. Gabadhas waxa la Odhan jirey Qarad Dirir oo uu inaadeerkii qabay balse uu ka qaaday Cawad Khuurshe oo Muuse Carre ah. Salaan Carrabey wuxu damcay inuu Isaaq isku diro oo godobtii qolaba qolada kale ka haysay uu iftiimiyo isagoo weliba u iilanaya dhanka Garxajiska.

1.  Dheeldheetanbaa lagu galay ee dhederbi reer Cawle
2.  Waxba kagama dhiidhiyin reer Xirsigan dhelalow kacaye
3.  Dhoollaha Bedeey kaga rideen dhagixi Beereede
4.  Waa tii waraabuhu dharqaday dhinacyadiisiiye

5.  Cabdi Qodaxna waa lagu dhugtamay suu dhalool yahaye
6.  Dhaayaha wejiga saanaddii dhab uga qiiqaysey
7.  Hadba waxan la dheelimanayaa dhicitinkiisiiye

8.  Haddaa Maxamed Dhuubsare u koray dhagarti saarrayde
9.  Colujoogna Dhay iyo Karuur kala dhex-joogaaye
10. Wallee gacanta looguma dhaqsado dheehay aadmiguye

11. Nabsi laga dhursugo kii horuu dhawrayaa Arab'e
12. Isagaan dhib qabin Aadan bay wax u dhawaaqeene
13. Dhadhabkaa hurdada kuu warrama dhaasasiyo beene

14. Dhalanteedka waakii la kacay dhuga-la'aaneede
15. Dhabtuu Nabadshe Waranka ugu ridey dhehay Aadmiguye?
16. Dhoodhootankii Celi Siciid dheelli amarkiiye
17. Nimanbaa dharruursaday wankii dhumucda weynaaye
18. Dhig ma jebinin Xaad muusihii dhirifka? waallaaye

19. Raggii Laanta-Dhaankaa la dhigay dhoofna laga sheegye
20. Xasan Xaajigii dhaadan jirey Dhace colaaddiiye
21. Xirsi-Barigan dhaantaynayaa waa dhutinayaaye

22. La dhuyaalyey reer Weyd Siciid dhaawacuu qabaye
23. Waa kaa dhabbiyo Ciil la tegey Dhimil? dushiisiiye
24. Hadduu dhulu-Qarridhay reer Siciid dhaafyey madhixiiye

25. Xasan Daahirkii lagu dhugtumay? dhabannahays reebye
26. Ka dhag siiye cumar Daahirkii Dhaasiyee dilaye
27. Ku dhudhumiye reer Xaamudkii dhiigga fuuqsadaye

28. Raggii dhuubsan jirey eegganay kala dhignaadeene
29. Ay weliba dhood iyo shiriyo dheeryihiin amare
30. Dhallaankooda hadhay jeer danbay dhaxal u reebeene

31. Iyagoon wax loo dhimin kuwii dhag iska siinaayey
32. Dhullaxuba waxbuu kaariyaa dhawr cashoo idile
33. Dharaar keliya buu Reer Xuseen dhigay Sulaaxiiye

34. Kaftankii dhexgalay Ciidagale kala dhaleeceeye
35. Indha-Guba kuwii loo dhuray ee dhamamax loo diidey

36. Dhulka Eebbe leeyahay kuwii lagaga dhaarjiidey
37. Dhalinyaro colmoogaa tashiga laga dhammaasaaye
38. Ugu dhiije Reer Ciisihii soo dhalaashadaye

39. Dhegsiin buu ka helay Reer Gobdoon lamase dhaadayne
40. Dhoobada Suldaankii la dhigay dhaymo lama siinne
41. Dhibtuu qabo hadday ugu dareen weliba dhiidhiiye

42. Wax libaaxu dhacadiidiyaa Gool u dhays bidaye
43. Goortuu dhergaa buu dugaag ugu dhawaaqaaye
44. Ragbaa libinta maantuu dharqado dhaata abidkiise
45. Isagoo dhantacay Faarax Nuur dhuda ma luuqeeyey

46. Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
47. Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
48. Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

49. Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
50. Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
51. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide

52. Ma dhurluminin Qaabiil markuu dhacayey Haabiile
53. Dhiibaaji Dumar buu ka kacay dhiriftankoodiiye
54. Dheddigoodku aadmiga horay uga dhawaajeene

55. Cilmi dhuub shantuu dhalayba waa dhacanta loo jiidye
56. Masii dhugan Bah Reer Cali Kobtay kaga dhaqaaqeene
57. Anuunbaa dhaxantu xalay iigu timi dhimirsigii ciile

58. Dhegxumada aniyo baa Masa ah Dheecdan Reer Gude'e
59. Wallee ama Dhilfida laygu xidhay Dhoobo qolof saaray
60. Wallee ama Dhulkaba waan ka tegi dhaaban magaciiye