Jama/Salah
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", (HJ)
Nin Gabyaa ahaa oo la odhan jirey Saalax Cabdi Cali Dabyare ayay beri is jiidheen Gacmadheere. Ninkaasi wuxu u gabyey Gacmadheere inaabtiyadii waxaana isagoon jeclasan Gacmadheere Yidhi:
Cirkoo da'ay dhulkoo rays diyadey Dirir Gugiiyaa leh
Haddii ay Daruuruhu curtaan diririg Roob baa leh
Duufaan xagaagii dhaca iyo fidho Diraac baa leh
Dixda dhereran Qudhaceeda iyo Damal Hareeraa leh
Geed kale dumaa buu noqdaa dogob Galool baa leh
Biyo diirran Doollaha sare iyo Dogoblayaalbaa leh
Dal wanaagsan kaymaha dugsoon degelka Hawd baa leh
Daadkaa Baloollehe noqda iyo Daranta Eexaa leh
Haddii aan abaar xumi dulleyn darib Wan weyn baa leh
Darmaan darab la soo saaray iyo deeddan Farasbaa leh
Dugaaggaa aduunyada cunay iyo Dulin Kutaan baa leh
Dab wax guba dayuur fayladha iyo Danab hillaacaa leh
Doonyaha Marsada soo gala iyo Dakhal Shinaawaa leh
Inuu meel daqiiqaha ka dhigo Aar dibjirey baa leh
Dunidoo dhanbaa laga maqlaa daafad Jibin baa leh
Sharci uu daliilaynayo iyo duco Wadaad baa leh
Diintuu Ilaah soo rogey iyo derejo Beydkaa leh
Doqon sooryo kaagama adkee deeq nin raga baa leh
Waxba arartu yay ila durkine waxan ku soo deyrey
Deebaaqda iyo Saalaxoow dabaqa Waabay ah
Mar haddaan la kala daasanayn dab iyo baaruudda
Allaylehe nin doonta ha dishee an isku sii deyno
--------
Halkaa markay marayso ayuu Saalax Cabdi mariyey gabay aanan hayn balse ay erayadiisa ka mid ahaayeen.
Bal Muraayaddayda isku eeg muunad xumadaada.
Gacmadheere oo aan foolxumo u dhalan waa qaadan waayey meesha ninku uga gabyey. Wuxu markaas tirshey gabay uu ku tilmaamayo
1) Inaan Quruxdu ragga waxba u tarin sida haweenka ee ay kartidiisu muhim tahay.
Miinleyda gabay waanigaan marinnin waayaaye
Maankayga waataan ka jaray mihindiskiisiiye
An micneeyo caawoo kale buu muunad leeyahaye
Adiguu malaa kula xun yahay mehered laawoowe
Midabkaygu waa fiican yahay mahad Ilaahay'e
Madawgaa ragbuu badan yahee miiggan baan ahaye
Muslinkaa Ilaahay Halqaan kala mid joogaaye
Ma Malaanmalaan ahay maxaa muunadda i siiyey
Masarka iyo Kabaha Maasa iyo marada Baabliina
Milikhmilikhda Diibkiyo Xinnaa laysasoo mariyey
Moohaarka Weesaaqyada iyo laba midhoo caag ah
Goortay Murriyad qaadatiyo Laasin Miyateyn ah
Mardaaddiga tallaabada kolkay dhabu marshaynayso
Ee ay halkaa soo marto eed aragto muuqeeda
Naagaa magaalooyinka baa lagu majeertaaye
Oo ay malloollida xunxumi wada marqaamaane
Ma Malaanmalaan ahay maxaa muunadda i siiyey
2) in ninkaasi ka foolxumaa oo uu hadalka gefey.
Sa'da gabayga anigoo yar baan saami ku lahaaye
Nin Siddeed jirkiisii bartay oo saakinaan ahaye
Salaan oo kale baa lay yiqiin sebi ahaantiiye
Goortaan ka seexday hadleen Suburdhayaal jaanne
Oo ay wada sannaadheen kuwii Saarufka ahaaye
An sargooyo caawana halkuu sadarku doonaayo
Soortaada layskagama daro sun iyo Waabay'e
Seben lama yaboohsado adoo Sixini kuu taalle
Suryo looma soo galo libaax Soolka yuurura'e
Waxan Saalaxoow ku irbayaa waa saqraannimo'e
Adigaa sifaha soo rogey ee iga su'aal qaado
Saabuun hadduu iibsaduu Saac walba is mariyo
Uu Suudh Xariira iyo gashado Macawisii Saaxil
Sawaaxiligu kuma soo darmado Saadiyo Ashraafe
Siniigaalka iyo Yawgu waa sawrac goonniyahe
Sufuushiyo Sarriimada cankiyo summadda loo yeelay
Sambalkaa Cabiid lagu gartaa saacaddaa hore'e
Aduunbaa sidoodii ah oo lagugu soocaaye
Soomaali miihide dadkaa sawdku kuu baxaye
Haddaad aniga hadal saa'ila iyo sir iga moodayso
Sawirkaaga adigoo arkaad samirsan doontaaye
Silimooga orod oo ka eeg suurad xumadaada
|