Rag ma kaa maqlayaa
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", (HJ), (1925-)
Sidaan raysimmo geeliyo
Reera buuxa Afduubay
Amase aan Rubad gooyey
Waxan aan ku Riddoobey
Ee laygu raadsanayee
Kuwa Roonka wareegee
Run Police la yidhaahdiyo
Ragga qaar ka madluumayee
Riin-garays iyo Taariyo
Rumaan aan xad lahayniyo
Hadba raabo kaxeeya
Loogu Ready-garoobbey
War Rabbayna abuurtay
Ragna laynagu sheegye
Rodol meel laga qaatiyo
Rubbad yaan nala siisanoo
Ribo yaan la cantuugin
Yaan Risaaladda weynee
Rasuulkii(NNKH)ku dardaarmiyo
Rugni Diina la Iibsannoo
Gaalo yaan la rafiiqin
Faransiisna rug dhaanye
Guryihii raqdu tiillee
Raggeennii lagu laayiyo
Maxaad Rooma ka doontay
Ra'iiskaannu sua'aalliyo
Ma runtay ku collowdey
Rakibayoo iska dhaafaye
Nin Diyaarad ku rooroo
Rabdad Liire ah qaadiyo
Nin Rakuub ku carraabiyo
Nin Riwaayad sameeyaba
Distoorkaasi ma roona oo
Buugaagtaan rafacaayee
Isticmaarku rasaystay
iska soo rogrogteenoo
Kii horaa laga Reedhayoo
Laga Raayting gareeyoo
Raadba raad lagu beegoo
Waxaan Rule-ba ahayniyo
Ra'dii oo la ballaadhshey
Baa laygu Raawisayaa
Rakiboo iska dhaafaye
Nimankaannu rarayney
Xukun aan kaga raystiyo
Qudbad aan u riyaaqoo
Sida Roobka na deeqdiyo
Raasamaal na dhaqaayiyo
Rasmi looma samaynoo
Inkastaad na rushaysoo
Rako dheer isku taagtoo
Radiyaa ka ammaanto
Ragaadkaas badhna muuqdo
Badhna aad dib u reebtay
Ra'yigaannu ka diidnayoo
Ma rabnaa ku hor taalle
Wadaadkaagan riyoodoow
Iska raalli ahaw oo
Rabbi baa na abuurtayoo
Isagaa na Rasaaqiye
Lacagtaad ruxruxaysiyo
Rashinkaagaana hayso oo
Adeeroow naga Rooxoo
Aw Racoofna kaxayso
|