Caasi
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadhere" (HJ):
gabaygan wuxu abwaanku ugu caqli celinayaa ruux caayey lafta(Qabiilka) uu yahay, taasoo uu u arkayey inay tahay aflagaaddo aan sal iyo baar lahayn. Wuxuu caddaynayaa Geesinimada tolkiisa isagoo tusaalaynaya inaysan ceebtu qabanayn reerkiisa.
Caynleyda gabay waanigii caarif ku ahaaye
An caddeyo maantoo kalaan ka cimra sheegaaye
Caad waa Daruur amase waa curasho roobaade
Carun waa Tigaad amase waa caana nabadeede
Cirir waa abaar amase waa col iyo aynfaade
Ceel waa Wiyeer amase waa Ceeri buuxsamaye
Caws waa guyaad amase waa cabasar Dayreede
Hadalna waa caddaan amase waa ha isku caatayne
Berigey colaaddii jirtey ee laysu cararaayey
Jeexyada cagaarka ah kolkii Cayn la mari waayey
Cidda Reer Isaaqiyo Hartiga Cawl dhex miranaayey
Casha keliya weli geelayaga lama ceshiimayne
Cosob meel leh oo laga cabsaday Caabudlaba daaqye
Caarshuhuna kama joojin karo cawska Seeraha'e
Caado iyo Dannood baan ku furay curadki Dayreede
Ceelkii Bullaale iyo u horay Ciyow darkiisiiye
Ciiddii guduudnayd u hoyay cuunki Xodayoode
Ceeriga Garoowe iyo ka soof cidhifki Sayloode
Carrisyada Gundheere iyo u gudub coonka dhagaxbuure
Muusaha Carrada buuxiyey bay Culus ku daaqdaaye
Cidla kii qabtaan Maalkayaga cunin Waraabuuye
Daaroodku waa noo ceshaa caymadkaw gala'e
Ninka Summadda caanka ah arkaa waa ka cararaaye
Sidii Culimadii Reer Maka yaa nala ciseeyaaye
Gob tolkaaya lama caasiyoon ceebtu qabanayne
Xaggayaga codkaa aad na tidhi waa ku caariyo'e
Ma Cammaadin baad tahay maxaad adigu noo cayday.
|