Ilaahay ka cabsooda
Maxamuud Jaamac Waal "Daallin", (1856-1990), (HJ)
Beribaa Maxamuud geel ka baxsaday oo siduu u soconayey Walwaal iyo Wardheer galay. Wuxuu geeli haybiyo maalintii danbuu yimid beeshii geela haysey. Colaad baa geyiga ka jirta hayeeshee maxamuud kama hadhin geeliisii ee nimankii (Ogaden) hayay buu keligii u badheedhay. Niman Culimo ah baa beesha joogtay markaasaa labadii nin ee geela lagu tuhunsanaa loo yeedhay oo inta la wacdiye loo sheegay inay geela soo celshaan. Labadii nin oo booligu u hillaacay ayaa dafiray geelii. Culmiadii iyo raggii garta fadhiyey waxay maxamuud u sheegeen maadaama aanu markhaati ahayn inuu Walle qaato oo nimanka loo dhaarsho. Maxamuud waa diidey arrinkaas markaasaa wadaad CabdiSemed la odhan jirey weydiiyey sababta uu Dhaarta u diidey.
Maxamuud wuxu yidhi
Haddaa dhaar Awalkeediyo
Aakhirkeeda martaan
Waa Walaahi Engeg
Oo idin aamini maayo
Umuddii Nebigii iyo(NNKH)
Ashraaf baydin cunteen
Oo Idin aamini maato
Sida Aarkiyo Goosha
Ama Awle Libaaxoo
Afmeer xoolo ku laayaad
Arkaa qaad noqoteen
Oo idin aamini maayo
Inantaa kula taal iyo
Agoon baydin dhacdeenoo
Idin aamini maayo
Nimay ayro ka fooftay
Inaydnaan ku ag joogsan
Horaa loo arki waayoo
Idin aamini maayo
...Halkaa markay marayso ayaa rag wax ogaa qosleen markaasaa Maxamuud u noqday oo yidhi.
Wallee ceelki Badweyn
Cagaciid iyo Sool
Caynaboo ka korreysey
Ceeldhaab baan la cabbayn
Cidla weeye Nugaali
Cawskeedii lama daaqo
Buuhoodlaan cammirayn
Ciid guduudani baabah
Colaadaa amarkaa leh
Caynkiibaydin waddaan
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Majeerteen Calankii
Cashuurtii Hawiyaa
Cukaaskii Boqorkii iyo
Canbarkiiba la waayoo
In dhaweydba Cadduun iyo
Cadaley reer ma furayn
Geeelkii caanka ahaa iyo
Caw Baarraawgu sokaysa
Reer Cismaan Maxamuudiyo
Cumarkii ka dhignaa iyo
Cigallii ka sokeeyiyo
Ciisena waysku itaaloo
Afartiiba carceertay
Badda cawda u jeedda
Hadduu Cawdal Gasiira
Ka cawaagsanayaa
Colaaddaa amarkaa leh
Caynkiibaydin waddaan
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Carcaraaf iyo gaajo
Waxaa caato i gaadhay
Ergo waa camalkeed
Curad bay u ahayd
Idinna caasiyi mayno
Cafi baad ku tihiine
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Qabiilkii Wacad caam ah
Calashee la dhaqaaqay
Caynkaasna caada ka yeesha
Cirku waa ka gudhaa
Cuudkuna waa ka baxaa
Cudurna waa ku dhacaa
Nabsiguna waa cirir jaan
Waa Cadceedda wareegta
Cagina waa socotaa
Carrigaanu degeynona
Cirku waa ka da'aa
Casiisna waa idin keeni
Waa cad goosan naqaanne
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Yaasiinkaan Casarkii
Cir guduuddiyo Fiidka
Cishihii dabadiisa
Caweyskii akhriyaayey
Cidladaa qaban maayoo
Cuudkiinnu ku jiraaye
Carabkaan ku hadlaayona
Nin caleenti caddaatiyo
Caamadaan garanayne
Ilaahay ka cabsoodoo
Geelaa ii cesha maanta
Halkaasaa Maxamuud geelii baxsiga ahaa loogu celiyey.
|