Cabdi/Caateye
Cabdi Aw Yuusuf Abokor, (HJ)
Cabdi Aw Yuusuf wuxu gabaygan tirshey ka dib markii la diley nin aadan la odhan jirey oo reer Saraareed ahaa. Nin hore oo inta la diley la qariyey ayaa loo tirinayey jilibka Caateeye Jugux ka dhashay. Cabdi oo ay ninka dhintay qoys ahaan is xigeen wuxu tiriyey gabay uu ku tilmaamayo godobta jiifta reerkaas.
Dabka bilig leh beelaha rogmaday ba'ayda yeedhaysa
Maantana Kaliil baa ku ba'ay Buuligaa dhacaye
Batalkii Wareeg baa la dhigay Aadan Baashane'e
Booraanta Nuur lagu ridey bay beeshu werisaaye
Bannaf iyo ur buu keenayaa banaha jiilaale
Sideebaa Ba Bacadooy tihiin waa badhkiin maqane
Baaba'ayda naaguhuna sow idinma beer qaaddo
Caateeye Jugux, (HJ) wuxu ugu jawaabay Cabdi gabay aan ka hayo.
Wey daastey reer Maxamed kaad igu diraysaaye
Dulli lama dhaqdee layga daa dab iyo baaruude
Dawac meel ka ciyey baad tahee duule naga aamus
|