Ma anaa
Sheikh Ismaciil Axmed "Ismaaciil Kolan", (HJ).
Soomali waa daallin aan derejo eegayne
Dariiqyada bannaaniyo sharciga ha iska diideene
Ma anaa wadaadkii ku diray dunida laaynaayey
Waa tuu dariiqadda makiyo diin u haajireye
Isagoo derderan ma anigaa dib uga soo laabay
Dekeddii Berbera ma anigaa dalaq ka soo siiyey
Baduu soo dul maray ma anigaa doonnida u geeyey
Dafdaftuu layimid ma anigaa dabajintii geestay
Jiidali ma anaa deg idhi degelladuu saantay
Docmo iyo Nugaal ma anigaa daaro ka ekeeyey
Derbiyaduu rakibay ma anigaa dul iska saarsaaray
Maa anaa fardaha duulaya iyo daabbadaha siiyey
Ma anaa colkii soo dunnaa, dowga marinaayey
Ma anaa raggii degelkan yiil didiyey geelooda
Deris iyo laftiba reer Isaaq dakharraduu yeelay
Daaroodka maanaa ka dhigay dooxata miidhan
Soomali waa daallin aan derejo eegayne
Dariiqyada bannaaniyo sharciga ha iska diideene
Mar haddaanay dux iga qaadihayn dirdirayntoodu
Ninkastaa dannaanni ha shubee danu bax soow maaha
|