Ka baadney
Maxamuud Jaamac Waal "Daallin", (HJ)
Part1
Geeraarkan oo kuwa kale la socda wuxu abwaanku tirshey ka dib markii tartankii Fardaha la galay oo uu faraskii la booday buu is yiri yaan la odhan ninku faraska kama adka'e bal dadka iska afwaaji.
Geeraarkan kooban oo aan dhammayn buuna tirshey.
Waayadanbaannu ka baadnay
Oo u bulshaynnin fardaa
Baroor aanan taxaaban
Biciidna aanan eryoon
Banka Cawsha ku layn
Baxsiluugu badheedhine
Haddii aan balfin waayo
Oo baabacuu dhigi waayo
Bulshooy haygu faduulin
Buunka waa u maroodi
Booddadana waa u libaax
ba'naanna waw Wiyil qoodha
Batradna waw inan yar
Bilicna waa u haldhaa
|