Ha lay dhoofsho
Maxamed Kaahin Feedhoole, (HY)
Maxamed Kaahin Feedhoole,wuxuu ahaa nin ku barbaaray
miyiga,bulshada uu ku dhex noolaana laga qadariyo. Markaa isagoo dhalinyara ah ayaa waxaa loo sheegay in magaalada Cadan dad badani udhoofaan,halkaa oo ah meel nolosheedu sahlan tahay oo shaqo iyo mustaqbal wanaagsani yaalo.
Maxamed markuu tagey Cadan wuxuu ogaadey in ay xaajadu
sidii loo sheegay ka fogtahay,wuxuu arkay in ay adagtahay in qofkii aan aqoon lahayni shaqa kuhaboon
helo.
Kolkaa abwaanka oo ahaa nin aan ubaran in uu hawl
la'aan meel kasheekeeyo ayaa wuxuu go'aansaday in uu
dib u laabto markaas ayuu tirinayaa gabaygan
tabantaabo isagoo tilmaamaya dhaawaca iyo dib udhaca
aqoon la'aantu ukeeni karto qof.
Wuxuu yidhi Maxamed isagoo nin ay asaaxiib ahaayean ku
hal qabsanaya:
Tixda gabay Maxamedow beryahan waanigaan tirine
In dhoweydba waataan ka tegey Ta iyo Wowgeede
Ma tilmaamin maansooyinkaan teeb garayn jiraye
Xaluun baan tawalay goor dhaxay tahay allaylkiiye
Kolkii uumiyuhu wada tarquday Tammani lay keenye
Tuu alifka oo dhacay hurdada taw ka soo iriye
Waxaan tebayo mooyee qalbigu taami noqon waaye
Tusaalaha adduun iyo walaac la igu soo tuurye
Tog yar iyo bannaan iyo anoo tuban ka baaqaaya
Taalloolayaal iyo anoo taaggi siraw jooga
Toomaha walwaaleed anoo torog ku maalaaya
Anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya
Taajkiyo garoomaha anoo laygu wada tiirshay
Ayuun baa la ii tumay durbaan taarna ii yimiye
Dabadeed tallaabo iyo orod taw ku soo idhiye
Tammuunkii ku imi meel jinnoo aan tamadinayne
Tawaahida waxaan lahaa fuluus tuulan baad heliye
Tabtaan ku arkay iyo caynkan ay tahay ma moodeyne
Waxa tuban kun tamar laawe aan tacabna eegayne
Talaatiin gu qaar joogay baan toob u xaadirine
Tanna xoogsi kama soo taraan taasna laga waaye
Taf la jiido iyo bay hayaan tookha debedeede
Teys ma laha taaloogga iyo timo la xiiraaye
Aniguna tabtoodii haddaan yara tacliimeeyey
Mar haddaanan teeb iyo waraaq teybal dhiganaynin
Turjubaan afkiisii haddaanan ugu tiraabaynin
Mar haddaanan faaltow tegiyo turugsi raacaynin
Kol haddanan telifoonka iyo taarka qabanaynin
Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi seben joogey
Way tala xumaan Maxamadoow tanoo andhawrtaaye
Tacliin aabahay wuxu i baray tooyyo soo godole
Tiska oodda iyo baan iqiin tirada xoolaaye
Intii aan tuldaha baas wad wadey rag iga tooreeye
Waxba gabaygu yuu ila taffine waxaan ku taalleeyey
Mugga waan tegaayaa haddaan taabo nooliga e
Tabantaabo gacal baan rabaaye tolow ha lay dhoofsho.
|