Waano
Cabdi Gahayr, (Ciidagale)
Gabaygan wuxu Cabdi tiriyey habeen uu u soo hoyday nin dhalay caruur ay cabdi habro wadaag yihiin. Markii lays yidhi geelii maala ayaa la waayey inankii barbaarka ahaa ee geela soo xareeyay. Markaa waxa loo sheegay inuu ciyaar guday.
Odaygii inanka dhalay ayaa cabdi u cawday oo ku yidhi cabdiyoow inanka waani. Markii inanki subaxdii danbe yimi ayuu cabdi gabaygan wax ku tusay. Inanka waxa la odhan jiray Gahayr waxanu ahaa cabdi habar wadaagii. Wuxu cabdi yidhi:
Heellada Gahayroow ragii heesi jiray daaye
habeenkii nugaal kama tumaan hoobalkii bariye
Hir guduudan haaruunadii kama hirweystaane
Ba xawaadle hoobaan wardheer ugama heesaane
Aduunbaa hagoogane xarago laga humbaaleeye
Hadhuubkii laguu soo lisaad haysataa weliye
Sidii hooyadaa kuu dhashaan hawli kuu imane
Anba waxan hangoolka u sitaa waan habranayaaye
Haasaasuhuun baan hayaa dhamay hubkaygiiye
Hal martiya habaas kuma dhemeen sida Huruufaane
Hindisaha Mareexaan qalbigu way hanqadhayaaye
Hawiyaa Afmeer kugu xukumi haabka kuma hayne
Waar hubso talada kayntaa yarbuu hadal ka joogaaye
|