Faradaha
Abdi Fadal, (HJ)
PART II
Ducaale Suldaan Nuur (Ducaale Aftaag) oo Berbera ku sugan ayay meel isugu yimaaddeen dhawr nin oo gabyaa ah oo uu ka mid yahay inankiisii Nuur Dhegacun iyo labadii abwaan ee la kala odhan jirey Cali Jaamac Haabiil iyo Cabdi Fadal. Wuxuu Ducaale yidhi nimanyohow caawa waan idin eegayaaye bal nin waloowba faraskaaga ammaan.
Waxaa ugu horreeyey Nuur Dhegacun, Ka dibna waxa ku xigsadey Cabdi Fadal.
Wuxu yidhi Cabdi Fadal Alla ha u naxariistee;
Midabkaagu Geydhoow sidii Goray ma laaceene
Gaaddada iyo Feedhuu baruur kuma gammuurmeene
Cir godladay gufaaciyo Mayay gelinba cayn keenay
Goortay Gammaanki u naceen Gooxa iyo Roobka
Ninka goodan gaaridu halkay gacal samayneysey
Legga kuguma geliyeen halkay gogoshu ii tiille
Labadaada gobol goor walbaba subag ma gaadheene
Goonyaha intaan kaaga shubay gego ma qaadeene
Guuraha habeenkii kolkii Goda la doonaayo
hadba gees an kaagama dayeen gelengel laydheede
Markaasaa Ducaale yidhi Ma u noqonaysaa Cabdoow.
Markaasuu Cabdi Fadal yidhi mar kale;
Meel dhaanki laba dhaxay miyaan kugu ladaabsiiyey
Ma leggaan ku geliyaa sidii weled an laab raacay
Ma u laacday Lebi doogleh iyo sida Lug dooxoowdey
Sidii Aar laxaadsaday miyey luquntu kuu baacday
Lista geela caanaha miyaan Ledana kuu daayey
Ma Siddeed jir baan kuu legdeyood laacday badhidiisa
Lafta dhabar kob layskaga jaboo rag isku laylyaayo
Ma ku lali halkaan Laarriyoow kugu listaameeyo
Mise waan ku lumiyaa intaan lur iga kaa gaadhin.
|