GUBA
Samatar Baxnaan, (Dhul)
Tixdan Wuxu Samatar Tirshey mar niman Muuse Ismaaciil ah oo damcay inay soo dilaan nin reer Hagar ah ka dibna inta laga war helay wax laga laayey. Waa waagii GUBA socotey ee xiisadda cabiil iyo xasaradda suugaaneedba cirka isku shareereen.
Samatar oo guushaas reerkiisa u soo hoyatey ku taamaya ayaa gabaygan mariyey.
Wuxu yidhi Samatar Baxnaan;
Xasan iyo anoo sida Siciid la i xambaaraayo
Iyo haatan xaaddii gadhkoo xayga ka caddaatay
Xabbad iyo dil bay noo ahayd Reer Xirsi Cismaane
Xashiishka iyo laba Muuse way ku xadfanaayeene
Xubin keliya Hagar Aadan baa iila xoog badane
Intaasay xumaan iyo wanaag la xarbiyaayeene
Xagna nalama bixin nimanki ay na xejinaayeene
Xarakada Carraaliyo Wacays nama ay xaalayne
Cali Gerina waa na xistiyaa tan iyo xaataaye
Nimankii xafiiskii Berbera xawda nagu gooyay
Oo Xaajigii dilay dadkaan kala xabaal seegin
Oo xayda xagarka gashee kuna xalaaleeyey
Mar haddii xiniinyaha la jaray waa xamdi Ilaahe
Inay guuto noo soo xuugaan waw xirgi la'aane
Xaggoodaan u jeedaye nabsay ku xarragoodeene
Weerkuba wuxuu xidho galoo xeeda ka hayaaba
Xanuunka iyo gaajada wuxuu la xabbisnaadaba
Xoolaha wax laga ooto oo laga xaraystaaba
Markay xayni soo goosato buu ugu xasuugaaye
Mana xishoodo jeeray ilkuhu xanaf darreeyaane
Markaasuu calooshii xidhnayd xalus ku yeeshaaye
Anna waxaan la xoodnaa shalay iga xayuubsheene
Hadba waxaan la xarakaadayaa waa xogtaan helaye
Waa kaa jirkaygii xidhnaa soo xankaakubaye
Xoonkii shinida quubayaye xoonbax odhanaayay
Aan xababarshiyo awlallada cidi la xaalaynin
Xawliga durduradaan ka biqi xeeb inaan tago e
Xaaladdoda niman baa qarsha oy xani ka raacdaaye
Xuurtiyo waraabaha miyaa xalay ducaynaayay.
|