Rag waxaan
Saahid Qamaan, (Ogaden)
Dubbadow nin maansaba beryaha maadiyaan ahaye
Way iga madoobayd tan iyo maalintii Sirawe
Manjogooye siduu noogu dhacay maagistii dhigaye
Hayeeshee haddaan maago waan maamiyaa gabaye
Murti iyo adaan kugu ogaa miiganaan hadale
Iga maqal halaan xalay mirkacay ama la maansooday
Hadba waxa mudh soo odhon aduun hal aynu moogayne
Waa tii shir laynugu makalay madaqsigii jaane
Maantana maxay noqon sidii Maxamad loo yaabye
Afartaa madkeeyaye sidii macalin mow sheegay
Mitan waxaan u naqay wiilasheer maanka la qaaday
Hadday sado macaantahay ninkii maadiyaa cuna eh
Muuse iyo halkii Cali Tarey mahadin maysaane
Nin mudmuday dharkayn hooska maray mudhuxye shaaleeye
Miyir waxaad ku waydaan iswaal kuma mahiibtaane
Hadday muraqa geeduhu go’aan mulayga jiilaalka
Mahwiga ceel hadii loo kacoo maalku ku arooro
Waw miilo qayb duul haday magac wadaagaane
Iyadoo maaxdu kuu dagan tahaa maalin la cabaaye
Ogoobay madada kii leh baa midigta kaa yaale
Magawsina haddaan layga siin miid la dhuranaayo
Inaan malab rag kale loo shushubi wax uga miideeyo
Oon meesha taagnahay anaan murudna leefaynin
Oon waliba mood iyo salaan ula maleegnaado
Aan maydhax aan igu xidhnayn maylimo u qaato
Saddex magac Alle’e xaajadaa layma marinsiiyo
Ninkii midho yar baa lagu dayaa yaan la ii muhanin
Muskii in Afee galay arlada kama miciin moodo
Sida koran xiniinyaa la muday uma mareeg qaato
Gurigiinna maal iyo ragbaa lagu mulaalaaye
Muggii weel ma dhaafee Allow mooska yaan jabinin
Mitan kalena waa aniga iyo mid iska sheegayga
Masow aabahay iyo intaan magan ka soo gaadhay
Muslin kuma cabiidsamin walaa madaxa kaa goyne
Ragna waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi
Mase inaanu nahay ooy tolnimo meerto noo tahaye
Oon waliba kaga miilcadahay miidhse diidaniye
Masalaha ninkaan ii goglay midig ma saaraayo
Ninka aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho
Saddex magac Alle xaajadaa layma marinsiiyo
|