Oogtii Hore
Ismaciil Mire Cilmi, (DH)
Gabaygan sida igu maqaala ah wuxu abwaanku ka tirshey mar uu Burco safar u kaxeeyey oo uu la yaabay dhagarta nimanka Dillaaliinta ah.
Wuxu yidhi Ismail Mire Alla ha u naxariistee;
Naagyahay awoow iyo awoow iyo abkaan sheegto
Iyo anigu abidkay ma arag iibsi lacageede
Aqdaan buu lahaan jiray raggaan ka isiraawaaye
Ololuu wax kaga qaybsan jiray agagas duulaane
Maruun baan umaamaday waxaan aabahay faline
Afar baan u dhaxay tuuladii owrta loo raraye
Albaabkii Burcaan tagay anoo aaladii wada'
Aminkiiba lay yimi sidii eegi lay yahaye
Oogtii horay igu kaceen adhi dillaalkiiye
Dar iimaanka laga qaaday bay ila ahaayeene
Amankaagay goortay wankii adhaxda tuujeene
Intaa weeye iyo maahadii la is ilaaqaayay
Asaraartankiibaa qalbiga aad wax ii dhimaye
Ilmaroojihii baa I qatlay kii aan aaminaye
Afka reer magaaluu yaqaan waa ka oodnahaye
Afar bowlad laga gooyay bay igu asluubeene
Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye
Adhigaad I waydiin malaa uunkalo baxaye
Dar boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene
Usha jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene
Arintaa rag baa iga badshee idinku waydiista.
|