Geela
Maxamuud jaamac Waal "Daallin", (1856-1990), (HJ)

Gabaygan wuxuu abwaanku ku sifaynayaa Geela oo rag badani ka gabyeen.

Madmadowga beerkiyo wadnaha Maydhoy adigaa leh
Afar maydhaq oo kala maldahan  Maydhoy adigaa leh
Mergi Gorayo Luqun geed ku maran  Maydhoy adigaa leh

Carrab muusa Gawsaha magliya  Maydhoy adigaa leh
Dhay malab ah Xoor lagu mergado  Maydhoy adigaa leh
Daba wada muraara iyo habeed  Maydhoy adigaa leh

Muruq tahara miid lagu bishilay  Maydhoy adigaa leh
Duq matuux ah iyo May-Casaan gaban yar maaweelis
(Iyo may markii)  loo culay oo dhebi masaalkeed ah

Dhaaxaan adduun kula murmee  Maydhoy adigaa leh
Qaan Midhif ah iyo Awr Markaba  Maydhoy adigaa leh
Muskeeda jeexay Maydhooy intaan miray habeenkiiye

Maglina adhaxda ugu heegtay oo maagay kii jiraye
Maroorsaday maraakiibna koray moodna dhaafsadaye
Muddayacay Salaaddiyo intii Muumin hayn jiraye

Muuneeyey gaalada sidii Mudane ii dhow 'e
maadhiinka beerka ula dhigay maalin dirireede
Miidaan u joogsaday rasaas mawleh oogada'e

Reerkeena oo (zzzzzzzzzz) muudey sida Aar'e
Murdaw laygu xamay aniga oo maqan daraaddeede
marka sow Maddiina u kacoo maydh denbiga maaha
Oo maalka xoolaha kaliyo moos ku tacab maaha.