| 
         
Title 141 
Gabaygaa wuxu Cabdi tiriyey mar loo soo sheegay in niman Ciidagale ahi dagaal si laxaadle ugu jabiyeen Ogaadeen. Dagaalkaas waxa lagu dilay in dagaalada ku ba´naa oo Ogaadeen ahaa oo la odhan jiray Carab. Wuxu yidhi 
Cabdi-gahayr (Alla ha u naxariistee): 
 
Warka xalay curaagtii tolkay ceelka laga keenay 
Ee sida cilmiga eebahay lagu cibaadaysto 
Aniguba ciyaar baan is rogay coomirkaan ahaye 
 
Ma ku caafimaadeen gobay caadadeed tahaye? 
Sida caawa habar yoonis tahay ciida-gale diidye 
Caqli male afdiinluu haduu Caara-dhuub helo é 
 
Mar hadii cidhbaha loo rakibo curado naafeeye 
Caruur looma dhiibine rijaal caarufaa helaye 
Ma cadahay Cismaan-garaw halkuu carab ka liishaamay. 
 
 |