Gobanimo
Maxamed Nuur Fadal (HJ)

Nin naftiisa biime u geshiyo bohol xun mooyaane
Bawdada nimay kaga dhacdiyo boqonta mooyaane
Gobannimo bilaash looma helo ban iska taaltaale
Markuu gaalku buugiis ku dhigay sida biddood qaata
Ee dhalashadiinnii bedela baarranku ahaaday
Ee talada sidii ceel bir-qoda bawda laga saaray
Ee ficilka baas iyo hawadu nala buraanleysey
Abidkood dagaal kama baqaan Baha Xabuusheede
Barna lama u hadhin reer tolkay baasihii dhacaye
Billaahi iyo wacadkiina waa buuxiyeen shalaye
Ka badbaadney oo Eebahay nama belaayeyne

In yar oo dhankaa bari degtiyo boqol nin mooyane
Allaylehe burgaa yeelateen zzzzzzzzzzzzzzzzzzzzz
Ballankii Allaa nagu furteen waadna baqateene
Buruud jabae karin boodhleh baad nagu bannayseene
Boog baad ku noqoteen Isaaq beerka kaga talle
Markay baaxadsooraha gashaad naga boqoosheene
Badnaantiini iyo xoolihii biidna tari waaye
Markay berisamaadkiyo ahayd baanisaha tooxan
Booxaalligii baa na hodey budhadhki dheeraaye
Mar haddii dagaal loo ballamo belona qiiqayso
Inaydnaan wax nagu biirinayn waa hal noo baxaye

Rag waa baro  (...........) beliyo khayrkeede
Wax bakhtiyey badduba waa tuftaa baaxaddaa lihiye
Ha ka baxo biyaha reer Isaaq badhax ku sheegyaa
Ha ka baxo buluushtiyo Garruhu biidna yay tarine
Ha ka baxo dar badanbaa ku jiroon kuba bannaanayne
Ha ka baxo in Bini-Haashimoo baaqiyaa hadhiye

Previous     Top      Next