Kibrad
Jamac Axmed Jama "Gacmadhere" (HJ)
Runsheeg (1952);
Abwaanku wuxu gabaygan ka tirshey colaad sokeeye oo ka oognantay Cayn iyo Nugaal horraantii 1950-kii.
Ibtiloobe nimankii lahaa Iishka saayidahe
Ma abaarsadeen nabad hadday u intiqaalaane
Islaaxii horee dhacayba way ku intifaaceene
Intiibaa badawgii ilbaxay Awr jirka ahaaye
intiibaa sidii rer isaaaq Aydhin loo tegaye
Intiibay schoolada Kharduum Innama geeyeene
Intiibay albaabada Berbera aqal ka jeexdeene
intiibay America iyo Yurub ehel ku yeesheene
Intiibay Xariir wada asliya ku arrad beeleene
Intiibay Ugaadha iyo Berdii kala Illaaweene
Intiibay asluub kala sinmeen uumiyii kale'e
istiqlaalna waatay beryahan u ashtakoodeene
Nimankii intaa iyo intaa la istareexsiiyey
Kolkuu amarku madaxaa ka galay sida Arnaa'uudka
Abaal malaha duulkuye hadday na asaraareene
Oo ay Colaad la ollogeen Ubaxi Reer Shiikhe
Odayiyo Cuqaal baw badnaa eelka kii dhigaye
Ma aqbalin waxay Dhiisiyadu "Order" bixiyeene
Afka laysla gaadh Habr-Jeclaa ilaha dhaw taalle
Ibleys baa ku yidhi waw tagnaa waana erinaaye
Ararsame qarfood iyo GeedQuwaax eede taladaase
Ugaadhyahan ku dhimay geelashay ooda jebiyeene
Ilaalayste reerahayaga ay agabla' moodeenee
Waagoo iftiimay oo nirgaha edegga loo soocay
arooryuu na weeraray colkay ababa' siiyeene
Arbaciin kunbaa noo fadhidey ayda nagu dhowe
Aartiigu(RT) waa qaylada ee lagu ogeysiiye
Asyab baa ku kacay guutaday nagu Istaadheene
Aboob kama baxsado reer tolkay nimu abbaaraaye
Ateera ula gale Rifle-kaan aradda reebayne
Ashahaada-boob iyo Sunleey lagu asqaysiiye
Army-ga Sanweynaha kolkay Aaladdu u buuxdey
Alamaanka Qiiqa iyo markuu ololku soo duulay
Ulo noqoy Shacayska iyo waxay urursanaayeene
Iyaga iyo Talyaaniguba way orod nuglaayeene
Oogsade baquhu waa waxay Ab u lahaayeene
Ku idlaade Idhankii Xargaga Agabarkiisiiye
Arxan looma galo duul hadday ku adyadeeyaane
Waataas ayaan qudha sidii Uub la soo jaraye
Abasguul Ammaanle iyo Bartire, oosha Wadasaar ah
Iyo uurarweyntii kinsidey aamusina weydey
Abayoonis iyo Tuuryar bay u itibaaseene
Eersade quruumii kalaan cidiba eegteene
Englandbaa warkaa laga hayaa uunka wada gaarye
Harti Off ogaadeenna waw araranaynaaye
Daarood ismaaciil ku noqoy alablihiisiiye
Nin walboow ogsoonow kibradi aayatiin malehe
|