GunIyoBaar
Ina Aadan Dibi "Guniyobaareeg" (HJ)
Gabaygan oo uu abwaanku magaca "Guniyobaareeg" kula baxay waxa uu tirshey mar uu guur hiyigiisa galay. Wuxuu sifaynayaa Qolo walba gabdhahooda iyo sababta uu ku diidey.
Gabaygu ma dhamma
Muusaha gureedh bari jiree Garo ku maalaaya
gabdhahooda waaweyn haddaan gun iyo baar eego
gelin waxay heshiiyaan ninkii guunyo foofsadae
gasabkii nin ragi uu lahaa garanba maayaane
Iyana guulahaybaa jiree guur u dayan maayo.
maxamuud garaad........
Gabdhahooda waaweyn hadaan guniyo baar eego
Guumeyso weeyaan madaxu gaadhi leeg yahaye
Iyana guulahaybaa jiree guur u dayan maayo
markan tago guryaBahararsame gogol cas lay kenyee
gabdhahooda waaweyn haddaan guniyo baar eego
Gaaddada markaad taabatay godol jac siisaaye
ayana guulahaybaa jiree guur u dayan maay
Galaalaatigii Ararsamaan soo gadaal maraye
Gabdhahooda waaweyn haddaan gun iyo baar eego
Guumeys Hayaag loo hayiyo gaban yar weeyaane
Iyana Guulahaybaa jiree guur u dayan maayo
|