Hillaac
Hillaac


Inaadeer hagaagtaye haddaad hilinka sii qaadid
Hatag iyo illaah kuguma rido hagabihii sheekhe
Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye
Adigaan halyeey kuu gartiyo huruntii daa'uude
Hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye
Hurdadana habeenkii maledo had iyo waagiiye
Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye
Waa lay horjoogaa sidii horudhacdii geele
Inaan Haybsiged dhigay hadday Hodan i moodeyso
Gabdho kale oo aan haasaawiyaa wayga haniyaade
Haddaan hadyad caano ugu diro hooh-lidaa gubiye
Maxaan kula hagaagaa yartu way hanweyn tahaye

Previous     Top      Next