Birdhiile

Birdhiile (Ciidagale)

BIRDHIILE  waa tuu u gabyey habar Yoonis isagoo ku guubaabinaya raadinta deynta kaga maqan Sacad Muuse oo Aw Cilmi oo Gadhweyn ihi ku maqnaa. Waa tii yawle ka soo jawaabay gabaygii Cabdi gahaydh isagoo ay ka mid ahayd gabaygiisa

Gacmahay isag hiiliyaan gacal walaalii dheh.

Birdhiile oo aan garawsan jawaabta Yawle ayaa gabay kale ku celiyey Yawle isagoo u tilmaamayo in nimankii Ninkaasi ku baxay ay Burco la joogaan aanuna u baahnayn hiilka Ciidagale iyo Habar Yoonis galbeed.
Wuxuu yidhi Birdhiile;

Salaamade malaa yuusufow socotay Ceeryoone
Selef duulayaad fuushan tahay sulub aan daalayne
jidka sahal Alla ha kaaga dhigo surin barwaaqoode
Waxaad sii sabbaysaba adoo siigo iyo boodhle

Suuqii Burciyo baydin geli salagyadeediiye
Sariir bay markaa kuu sallixi sagal la mooddiiye
Saacad iyo markaad huruddo laba suuqa yaad qabane
Saadaan ka kicin meel hadduu saaka jiifsado e

Malahay kursay kuu sallixi oo qaxwaad suganne
Gacanqaadka lagu saarayaa soofka kaa guriye
Warka haddii lagaa sugo haddii lagugu sooyaamo
Surmaseegto haw odhan badwaa hadalku seegaaye

Inta Sugulle Caynaanshe dego sina u weydaarsan
Siciidkaba dhammaantii haddaan meleg ku seetaynin
Sacad Yoonis iyo Muusayaal saacaddaad aragto
Salaan iyo wanaag nooga gee waa na sugayeene

Sawdkaan ku fare Yawle yuu sina u weydaaran
Abaar soofmareebtii hadday dunida seerbeyso
Sumalkiyo duqdiyo awrku waa xoolo kuu siman dheh
Intaad socodka dheer eegeysiyo sunta iyo daalka

Safarka iyo baydinku filan soofka soo jaba dheh
Sitirtiraha gabaygii ahaa nala silloonaa dheh
Inaader hurdada weli ma sugan saad wax noo tidhi dhe
Aniguba sakhaawii la diley waan ka selelaa dheh

Adigaa silane nimanku waa iga sokeeyaan dheh
Subax noolba ceelkii Burcay kugu salaamaan dheh
Oo soofka laga iibiyaa laguna sooraa dheh
Hadday guuto kugu saarayaan kama sadhoodeene

Saaxiibadaabaa yaqaan suunta loo maro dheh
Adigaba sir bay kugu dileen hay su'aalina dheh
Suryadii faruur laga helee salawgu duulaayey
reer Samatar waagii halkii lagu sinsaareeyey

Aroorkii SunGodanbay dorraad sahansanaayeen dheh
Sidaad maanta tahay reer tolkeen kaa siddiqiwaa dheh
Maxaa seexashiyo kaaga dana hadal an suuroobin
Sidaad doonto yeel gacantu yey idin saliilyoon dheh


Previous     Top      Next