Boqorkayow

Cabdi Iidaan Faarax Nuur, (Arab)

Cabdi Iidaan wuxuu Alla ha u naxariistee rishey tixdan mar si xaqdarro ah ay u xidhadhay Dawladii Musuqmaasuqa ahayd ee Doxorkii Afweyne ka horreysey. Waxa Cabdi la yidhi waa inaad soo qorataa arki si la idiin cafiyo. Cabdi wuxu go'aansaday inuu Arji qorto balse aanu aadane ku hagaajine Eebbe kaga dalbado waxa uu doonayo.Waa gabay aad ka dhadhansanayso Muwaxidnimada Cabdi iidaan iyo islaamnimadiisa qotoda dheer. Ilaahay u naxariisaygu wuxu yiri;


Ilaahaan baahannee loo baahanyow Boqorkayow Hee Dheh
Ilaaha weligi baaqiga noqdoow Boqorkayoow Hee Dheh
Iaaha Deeqsinnimo loo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahi Waaxidnimo loo bartoow Boqorkayoow Hee Dheh
Ilaahaan xaq lagu beeninnoow Boqorkayoow Hee Dheh
Ilaaha dunida baaraxa khalqoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii inu burburin sheegayoow Boqorkayoow Hee Dheh
Bini'Aadmi waa meel sokee Boqorkayoow Hee Dheh
Bismillaahi waa culustahee Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii Dartii lagu beryoow Boqorkayoow Hee Dheh
Kolka Bacadka yoomkiyo la tago belel Qiyaamaa
Ninkastoo Badraanihi markuu biidna tari waayo
Ilaaha Xukunka keligii bogtoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bar Janno iyo Cadaabtuu khalqiga ugu bushaareeyey
Badhba meelu geeyoba markuu kala boqoolsiiyo
Ilaahii laba u kala baydhiyoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bidhaantii kastaba kii arkoow Boqorkayoow Hee Dheh
Bad wax mara berriga waxa jiriyo buuro dabadooda
In bogliyo in baabaca dhigtiyo baalka lagu duulo
Bushimo nool Allaha quudiyoow Boqorkayoow Heedhe

Biyo Oday intuu iga khalqiyo biliq yaroo Dhiiga
Bilcan Dumara uurkeed intuu igu barwaaqeeyey
Barna aniga oon qabin isagaan igu bukaysiinnin
Ilaaha Nolosha igu soo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Baabaca addoon baan dhigtee Boqorkayoow Heedhe
Boqolkaaga magac ee mid la' yaan baaqa maqashiinne
Allow xadhiga sahal iiga bixi kuu baryootamaye

Markii la sii daayey Cabdi iidaan ayaa ninkii Xabsiyada haystay oo Xasan Cabdi Khayre la yidhaahdaa " Waataa lagu sii daayey ee maantana maxaad odhan lahayd". Markaas ayuu gabaygan kale ee qotoda dheer tiriyey;

Mar wax-bixiye bini-aadmibaa lagu maleeyaaye
Adigaan qasnadahaagu madhan oo mahade buuxaane
Adiguu ku soo magan-galaa ruux madluum ahiye

Kol haddii Miciinoow la yidhi meel kalaan jirinne
Maqribkay cadceedu u dhacdiyo muuqashada Waaga
Madowgiyo Iftiinka is beddela maalin iyo habeenka

Madhabti Quraankaan bartiyo Maxamed Jaahiisa???
Iyo magaca weynee Carshiga yaan miskaansadaye
Haddana sacabbadaydii madhnaa meesha soo dhigaye
Maantana ilaahow i furo kuu martaan ahaye



Previous     Top      Next