Salaan Carrabey5
Make your own free website on Tripod.com
Salaan Carrabey
Abaaldhac (Gabaygu ma dhamma)

Qaylada xadduurkii ninkay xaraqday laabtaydu
Guuraha xanbaarada ninkii xagarku ii jeexay
Jillabkii xadhaadhaa ninka ..........
Ayaa Habar Xabuushaay ninkii xiidka la imoodey
Xafiiskii magaalada ninkaan xaalal uga saaray
Xoolaha markay timi ninkaan xulayey geelayga

Xidhkii Odayadheeroow maalintii rag i xiniin taabtay
Xaaraamigii olol markuu xilafur kowsiiyey
Waataan u xuubsaday sidii xuurta baalka lehe
Qasaalkii xaddiyo kaa dhacaad xinif lahaydeene
Xuska dhalasho waa kula sinnaa xilase kaa yeelye
Ogoobey xidaayadi dartaa kuma xorrowdene

Xadaarbaa khalqigu ii yaqaan....
Xamdubaaba lay wada naqaa xeeb haddaan tagoe

Xawlal mariiddada lafaha xiddidays oojey
Feedhaha xidhiidhsamay lafaha xuubku ka idlaaday
Jidhkaygii xariirta u ekaa xaadhuf quruxdiiye
Ifka intaynu xay nahay haddaan xiisa kala weyney
Aakhiro rabbaa ina xukumi xaqa inoo yaale
Xaggaygii wax dhigo xaatanaan kaa xaliil jabaye

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web