Salaan Carrabey - GUBA
Make your own free website on Tripod.com
SALAAN CARRABEY
HAADAAQSI (GUBA)

Gabaygan Haadaaqsi oo ka mid ahaa Maansada Guba la baxday, waxa salaan Ugu jawaabayey Cali Dhuux iyo Qamaan oo isaga danbeeyey silsilada, Siiba wuxu Salaan abaarayaa Cali dhuuxii Harti oo fidnada bilaabay.

Haadaaqsi Gabay waaya dheer haansa ma lahayne
Hiirtaanyo godobtaan ku nacay hadashadiisiiye
Hawaala warran mooyee si kale wawga haayiraye
Goortaan hammiga gaabsadaa layla hiishadaye
Hadba nin igu haansaday anaw hela jawaabtiise
Dhaaxaan mid hanaqaad is biday soo hoggaan baxaye
tixdaan hidiyo haaneedsigaan hoodo ku lahaaye
hal abuurka layguma higsado soo hadaaf baxay
Hooyaalayntaan kaga badshaa haybad iyo luuqe
An hawadiyo hoosada Burciyo Herer ka geeyeene

Kuma hiilo heeriga fulaa la handabeeyaaye
anse wacan haleel uga marshaa heel la ii wacaye
Inaan oday hangaafa ah noqdiyo haydhaf la i moodye
Hig ma siiyey hawraarta way kala halleeyaane
Heeraabta ma u dhigay intaan heesna daba joojey
Maantaba hog bay leedahee meel ma ka habawshey
Afartaa intaan ha'da ka deyey hilin ma qaadsiiyey
Caawana hiyiba waa hiyee hadal yar baan baanay

Halaq didaya waw halis nimuu boqon haleelaaye
Waabeeyo lama hoorsan karo huurtayoo kariye
wiyil lama hunjaalliyo adoon hootanuu sidane
Laga haarri hooriga libaax soo hamaansadaye
Nimanbaa maroodiga hunduda haamahuu sidae
Hayinnimo markii lagu arkay haragga saareene
Hoobaaq mid waw qodi jirey ee heegadiyo roobka
Baddoo huguntay hoohiga sabaac ee lagu halaagmaayo
Bal maan hafiyo hir u laacaybaan ku hadfin doonaaye

Caloow laguma helo geel sidaad u handanaysaane
Qabiila hindiyi maalinbay ka hinjisaa duule
Idinka hoortay meel uun haddaa hollin lahaydeene
Hadhuudh daatay idinkaa ka qaday haqab la'aaneede
Damal Haajihii laga hirqaday ways hunda ogeyne
Waatii lagaa hiray adoo qaba hammuuntiiye
Nin sagaaro heetaynayoo haaban kari waayey
Oo aan hunguri waa shiddee hed uga yaabaynin
Haawaydu kama maaranteen heejigaa dhalaye
Haleelada ma daayeen nin cunay hilib ugaareede
Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene
Rag haddaad u haysiyo barbaar halabsatoo fuusha
Mar uunbaad u heensayn lahayd hawlyaraan subaxe
Heegaale kama qayliseen hoga kaliileede
Goortaan hadhkaba kaa eryaad hawd u cararteene
Hanas iyo abaar kulu adoo habaqle soo guurey
Caynaba hadhuub kama dartaan hoga kaliileede
Ka hulleele Hagar aadankii hoobalayn jiraye
Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye
Waa kaa hubkii sida raggii wada hareednaaye
Habarwaana waa kaa hingiran labadii haamoode
Shirshooruhuba hoy maleh kuwaa hilib wadaaagtaane
Humbanidan Ogaadeen intaad soo hirgelinaysid
Habqankii firxaday Gorord Xirsaa caydh haddaadumaye
Iyagaa hiraabtiyo kallaha hiirta waaberiye

Habar Yoonis waataa hantiday haradi ciideede
Iminkay hundiyo reer fureen harawidii faafe
Oo huntuuti qayrida la dhigay himidhna loo geeye
Ku hinjiye colkay humin jireen caliyo haaruune
Wax Ammaadin webigaw hirdiyey harabku waa khoofe
Huurkii shabeelluu galee hure banaaankiiye
Huubhuubsigii lagu idlee hurinti Seeraare
Nimankiihawada weyn lahaa haatan lagu leefye
Ka hidiidnay hodankii barqiyo hibadi ceel Fuude
Hayruufka Dalal bawga dhiman hegerbi Daaroode
Maantana hablaha loo dhisay ku hamranaayaane
Haydaaro cadaw looma tudho heermay boqontiiye
Ma hanbayne Dunidii hantiye taniyo Hiiraane

Aduunbaa hinaayiyo u jilan haawis iyo ceebe
Haadaa qabiiliga Isaaq hibo ilaah siiye
Aniguna halkaad degi jirtaan ka hawisaayaaye
Hadba waxa ku soo gocan sidaan kuu harraatiyaye
Hibashada xun waa lagu yaqaan Habar Xabusheede
Waataad haween nagu xustee haad ma ku cunsiiyey
Dabadeedna hoog iyo hungiyo ciil ma la huleeshay
Tolkaabaa horweyn ku habbanoo haanka loo tolaye
Wax hortiina lagu maalayaa kii Hagoogane'e
Hadiyad miyaw bixiseen naftuunbaa hammadiseene

Inkastoo habkay gobi lahayd iyo hadiyad loo doonto
huunbaaqsigu uma ekeeyn Habar Majeerteene
Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay haarihii Muduge
Waxaw halisa badaw hayjad galay inuu halmaamaaye
Xaajada badhbaa la hojiyaa huga la saaraaye
Haasaawuhu uma ekeyne wuu hadadafaayaaye
Waa kaa hilaacii u baxay haatufka ahaaye
Kol uunbuu hilawluhu u tumay heello iyo jiibe
Hoosiisku waa qaadi jirey bela hudmaysaaye
Hebednimada qaarkeed aday kuu hed noqotaaye
Waxaanu hubsan reer Cali Geraw haa dhawaan jiraye
Waa wuxuu wadaadkii ku hodey habar Saleebaane
Halligaa markaad sheegateed hulakadaynaysey
Waa taa bah Geri huudiddeen hanadadoodiiye
Kuwi Boqorka hadateediyee hiijiyaad tahay
Haarti aa badeen baa khaligu hiifayaa welie
Maantana hannaankaad waddaa waa halkii abide
Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi
Halna kuma xereyside dadkaad ku hawaraysaaye
Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi halaci naareede
Iska hadhaye aakhiroba waa lama huraankiiye

CDnow
Find Music:

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web