My Tripod One-Minute Page
Make your own free website on Tripod.com
Qammaan Bulxan (GUBA)
Tixdan oo Qamaan ugu jawaabay Cali Dhuux ma dhamma. Fadlan ii soo dawi hadaad wada hayso gabayga.


Caliyoow dabuubtaadi gabay daayinkaa wadaye
Dabaylaha xagaagee dafliyo daafigaa sidaye
Noo dooji doogiyo sidii dararta xolaaye
duurkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daaweyne
daaraan garbaha qoon kulaad damaqday Dhuuxoowe
Dib u joogso waan kula dacwiyi doodna waan odhane

Dab baad ololisaa kumano gubo daa'in abidkaaye
Intaad dogob shiddaabaad taqaan dirdirayn jaane
Degelkaad fadhido sow gubee degelkan qiiqaabi

Duunyada fardood maalintaad deleb ku qaadaysey
sidii duul Amxaara ah markaad nagu dabraynaysey
Intaad haatan ii laba dublayn muu damqado jiidhku
Daaraan ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya
Iyo kii duleesheey ku yidhi wax isma doorshaane
Dakanadayda yaa kaa xigaad igu danayn haatan
Aar soo dibjirey neef hadduu daacuftii geliyo
Uu kaga dig siiyuu ilkaha dhiigga kaga daadsho
Dugaaggaa yaryari sowka cuna duugga hadhay maaha
Aday dilaye goormaa Isaaq Doollo iga qaaday
Maxaa libinta Daarood lahaa dabacayuun siiyey
Hadday Dubaxul uga heesayaan dacarba waan siine
Miyey haatan ........kaga cabbaan dawlis

Iidoor Dir weeyee hadduu duulan soo kiciyo
Dunji Habar Magaadluhu hadduu deyrka soo jebiyo
Dunbuq iyo rasaas badan hadduu debecsanuu siiyo
Horta yaa la da'a wayla yaab dawyadaad xuliye
Ii daa dugaag iyo Hartay igaga deyraanne
Idinkuba darkii Caynabaa deris ku taalline
Dagaallama nindoorkii la laa duubcaddii Hagare
Amam na daaya waa wada qabnaa daawashiyo ceebe

Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badine
Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye
Dilla malaha aakhiro haddii loo kitaab dayoe
Hablaha doonan dadabtaan dhisniyo xidid dariiqaynta
Kuwaan dihannay diracay dhaleen waa dareemada e
Muslinka hayga didin yaan ibleeys dawyo kaa ridine

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web