Gabay
Make your own free website on Tripod.com
FAARAX LAANJEER
Geela
Xoolaha xadiidka ah naftaa Xiireyoow jecele
Xayaabada kasoofeenka iyo xuukadiyo goolka
Tani iyo xaawo iyo aadan ............
Xasan iyo xuseen baa ogaa xeer u leeyahaye
xulafooyinkii horeba way kala xabaadheene
Xinkii Dheeha lagu gawracaan xiisadii hadhine
Seyidkii Xadeed iyo ku furay Xallin daraawiishta
Ee Xodayo geeyn jirey intuu xamar u heenseeyo
Xaafidal quraanbuu ahaa soo xajiyey dhawre
Isagaba xaq iyo baadil waw kala xarriiqnaaye
Xaaraan hadduu yahay sengaha kuma xarraansheene

Xiitooy ma soo hoysan karo oday xagaystaaye
Xijigeedu wuxu saaran yahay xayn walaala ahe
Inuu xiinka duulduula yahayna waa xadiisiyae
Xaq ilaahay maantay tihiyo qalin xisaabeedka
Xasanaad in laysugu qoriyo inay xumaan doonto
Xukunkii Illaahay qoriyo xaakinkaa werine
Xarbi baarid xayraan col iyo xeelad iyo tuugo
Waa ugu xad-dhaafaa ninkay xiis u dagataaye
Anna way xalaal Xaawis iyo xagalo awr yaalle
Balse lama xujeyn karo ninkii xiito weerarae
Ma xayeesh adhaan dhacay Burcay ka xantamaayeene

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web