Gabay
Make your own free website on Tripod.com
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
FAAN (Gabaygu ma dhamma)
Ba'da gabay beryahan waanigii baabki gaabsadaye
Waataan benedey maansadii buuradka ahayde
Waataan berkaduhuu ku jirey boolashuu xidhaye
Xaluunbaan habeenkoo badh tegey soo baraarugaye
Markaasaa albaab lay ballaqay baanna lay tumaye
An bineeyo caawana midbaa bebaya laabtiiye

Beydgaabku hadaluu yidhuu beri dhan haystaaye
Intuu erayo baandhaynayay bilo ku dhaafaane
Ma soo biiriyee aniga way bad iyo mawjaade
Way sida baraha roobka iyo beeb la furayaaye
an bineeyo caawana midbaa bebaya laabtiiye

Burka Karin barkada Ceeldaraad buruca Laas muuse
Bulada xeebta bookhyada Hodma iyo buurta regedkeeda
Mullaaxbeyle iyo Maydhta ay barakadii joogto
Badda meersan tuulada Buraan taniyo Boosaaso
Baaraxa Nugaaleed intaa Boocane u jeeda
Badweyn iyo bankaa Caynaba iyo yadanka Buuhoodle
Burco iyo kuraha Siibaqti iyo Beer iyo agteeda
Bullaxaar agteediyo Hudaha baasha kaga toosan
Bullaalaha Ogaadeen cabiyo lebida baardheere

Intaasoo bilaaduu degaa badanow reer Shiikhe
Haddaan uumiyuu naga baqayn baad ma guraneene
barqaweerar tuugiyo badheedh booligiyo siinta
Ninkii kaleba qaar uma baxsheen Pardise xoolaaye
Rabboow biliga noo daa khalqigu nama bariiyeene

Tripod Error [an error occurred while processing this directive]

404 - Page Not Found


Sorry, but the page or the file that you're looking for is not here.

Sponsors

Magic 21

Magic 21 -
Free card game. For each "21" you make, you could win up to $4,999 in cash! Go try your hand  »



[an error occurred while processing this directive]
 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web