Gabay
Make your own free website on Tripod.com
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
SAFAR (Gabaygu ma dhamma)

Safartaye haddaad Yuusufoow* guratay saabaanka
Sanaag waa habheebae haddaad suunta mari doonto
Salaama Alla yeelyoow haddaad Saaxil nabad gaadho
Baashaha sagaalaha wataa sababa xoolaaye
Saaciidaduu kaa baxshaa sinaba haw eegin
Subaglaha Kidaarka ah ha cunin Saanjadna ha quudan
Sigaaryacab ha noqon buuribay soor ka deyayeene
Sacab baad ku maqal xaafadaha saan la tumayaaye
Sino iyo balwaa lagu hayaa sinaba haw eegin
Haddaad aragto toban siibanoo suuqa ku agtaagan
Waa saaruqiintee waxaad sidato meel geyso
Siddeeddaa iska raw meesha waw saymo jaariyahe
Haddii kale sidaad doonto yeel seegtay marinkiiye

* Yuusuf Nuur Jaamac

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web