My Tripod One-Minute Page
Make your own free website on Tripod.com
Maxamuud Jaamac "Daallin"
ERGO LAYS (Gabaygu ma dhamma)
Gabaygan oo ku aadan hilaada 1950s waxa abwaanku tiriyey ka dib markii niman ergo ah lagu laayey Carra Dhulmahante. Ergadaas dilkooda waxa ka dhashay dagaal aad u qadhaadh oo nin door ku idlaaday.

Meeshiyo duraaye iyo halkiyo duudi Neb Aadan
Dilkaa maanta dhacay waa midaan da'ina sheegayne
Ergo dadabta lagu gawracaa dunida waw koowe

Dohda Siraw duggii Faafan iyo degeladii Dhiito
Habaryoonis way durugsatee Doollo malahayne
Dalal iyo haddaa reer Ugaas deriso qaateene
Reer Maxamedkii lagu dirraa sooma didiyaane
Dagaal wuxu ka dhacay geelashii dooxa loo rogaye
Duqna kama eryado Ararsamii damaca waallaaye
Hagar Aadan waxa loo deldelay dayr-rinkuu xadaye
Dubbihii ku dhacay Khaalidbay dibu xasuustaane

Dunjigii Baruhu waa yaqaan daw rag loo maroe
Doqonniimo Baale iyo Cali bay degel la jiiftaaye
Dibu celiye rimaydii lahayde Daawad iyo xiise
Darandoorigii Ina SHibbiin Doollo laga sheegye
Haddii laga dultago Aadan waa dili lahaayeene

Intaad daba Wareeg iyo Yanqarax dib ugu guurayso
Miyaan ina Ducaalow nugaal daniba kaa haynin

Jeeroow dil kale soo noqdoo qolo ku daaduunto
wallee aniyo Daarood ka dheer duudsi nabadeede
Iminkana rag ways daba socda duugga bal an dhawro

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web