Gabay
Make your own free website on Tripod.com
Maxamuud Jaamac "Maxamuud Daallin"
Gabayo googoos ah
Maxamuud Daallin Alla ha u naxariistee wuxu xijaabtay sanadkii 1990kii, isagoo da'diisa lagu qiyaasay 120-130 jir...
Maxamuud oo caan ka agaa agagaarka togdheer,Sanaag iyo geyiga Nugaal Godan, wuxu ka qayb qaatay dagaaladii daraawiishtu ka wadday somaliland.
Maxamuud Daalin waxa la sheegaa inuu dhashay sannadka gobeysane la magac baxay ka hor...kaasoo ku aadanaa hilaadda 1860s. Wuxu isagoo tilmaamaya arrintaas yiri
Gobaysane caruurbaan ahaa celisa xoolaaye....
Gabayadan gaagaaban wuxu malaha uga jawaabayey suaalo dhawra oo laga weydiiyey da'diisa iwm......

Haddii qolo intii aan la ridey qolona riixaayey
Oon raxan dhurwaa iyo dawaco wada rasaaseeyey
Ruuga iyo Jidbaale iyo haddaan Rigacad soo joogey
Oo raranki Beerdhiga cagaag ruugagga i diiray
Oo aan Ilkacad roorayey oo ridayey maadhiinka
Alow yaa riwaayad iga qora raail baan ahaye
-------------------

Gelimays arlada uu degiyo gaanka Ba Xawaadle
Waxa webiga guud jooga baan gelin ogaadaaye
Galawgiyo jinkaa ii warama gaar habeennimoe
Guuguulahaa duulayaan gacal waraystaaye
Gudcur dama alalylkii ninkii gegi ku kaajaaya
EE geli cidla ah moodayoow geeshash bay tuban
Gaadh aan ilaalo u diraa geed ku hoos jirae
Goonyaha ragbaa kaa fadhiya aadan garanayne.

--------------------

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web