GABAYO
Make your own free website on Tripod.com
Gabaygaan waxaa ku jira erayo Qabiil ku saabsan.
Maxamuud Jaamac"Daallin"

Codka gabayga caynkiyo ba'daan caalim ku ahaaye
Cirkaa kaa sarreeyiyo dhulkaan cidi u faanayne
Maroodigu hadduu caro is bido looma caal helo e
Aar soo cadiigsadey wuxuu cunayba naafeeye
Wiyil caratay cuun geedalaa looga cararaaye
Gobbeysane carruur baan ahaa celisa xoolaaye
Ninkaygaa caddaadee gugaa caama talinaayey
Calooshaan ku jirey maalintay carar ku dhaafeene
Caynaba intay hibanayeen ciidba laga qaadye
Colka ayda laga soo dhureen cidina noo sheegin
Ayadoo caruurtii nirgaha culus ka soocayso
Cascasaanka waaberi haddii nalagu ciireeyey
xxxxxxxxxxxxxxxxxxxx gobbay caadadood tahaye
Caweys baa fardaha noo dhashoo waa cawo aduune
Cismaanbaa jarayn jirey waqaan cududi naafoone
cuunkiyo Jaleeloba intuu calan walaysiiyey
Cooflii nugaaleed miyuu cagidi noo keenay
Ma cabaar yar buu leebidii cadawgi gaadhsiiyey
Caashii Goldheer maalintaan rag isu caalaynin
Waqtigii cabaar laysla dhacay cadawgi maadhiinka
Cabaadkii afdiinlaha miyaa cidina hayn weydey
Ma caaacal iyo hoogneybaa laysu celinaayey
War ma cadaab aduunbaa labada camalku yeelkiise
Ma haddaan horweyn ciid u baxay cidi jaleecaynin
Cagaarweyne iyo Toon miyaa caawa laga foofshey
Cirka da'ay miyaan geelayaga cidi la daaqaynin
Cibaarooyin kale yaa uumiyuu nagu canaantaaye
Markay laba cadaawe is heshee caawin ololeyso
Wallee diri nin nagu caajiyaan caalamkaa jirine
Cishadii gadhbaa reer Garaad nagu ciseeyaaye
Cali Shiriyo Dhaharbaa ogaa ceebihii dhacaye
Solamadow hadday carato waa ciidankii Yurube
Abtidoonku waa cadaw hadduu caana doox dhacoe
......
Cumar Daahirna waa lagu ogaa col iyo laystaane
Weligood ciriir lagu ba'ay calanka qaataane
Ma shaluu carceerii ka ridey cuduyaroow Khaalid
Allaylehe bagaa loo casiley ways cajabiyeene

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web